Dugsiga aasaasiga

Dugsiga hoose Sweden waxa uu ka yahay qasab in ay aadan caruurta oo dhan ilaa sagaal sano. Waxey fasalka 1aad bilaabayaan xiliga deyrta kuwaa gaaray 7 sano. Sanad dugsiyaat kasta wuxuu ka kooban yahay laba teeram, deyrta iyo guga.

Marka aad tahay magangalyo doon, waxaad xaq u leedahay si la mid ah sida caruurta kale ee dalka Sweden, laakiin imaanshaha dugsiga ma khuseeyo kuwa magan galyadoonka.

Mara ay yahiin kuwa ku cusub SWEDEN, waxaa caadi ah inta aysan bilaabin fasalka caadiga ah kahor in la diyaariyo.

Dugsiga wax barashada waa lacag la'aan. Waxaa loola jeeda ma bixin kartid wax lacag ah waxbaarashada, buugaagta iyo qalabka dugsiga. Xataa cuntada iskoolka waa lacag la'aan.Ardeda waa in ey helaan caafimaadka ardeyga,hagitaan wax barasho iyo hanuun iyo la talin iyo dugsiga maktabadaha.

Sida kuwa masuulka ah waxey xaq u leeyahiin in ey si wada jir ah u doortaan dugsiga ay wax ka baran la haayeen caruurtooda. Waxa aad iskaada u dooran kartaa in ay caruutaada wax ka bartaa dusiga gaarka ah oo meel ka fog meesha aad degen tahay ku yaalo waxaa aqbalaayo mas uulka iskoolka hadey boos ka banaatahay asaga ayaa kuu sheegayo iyo in iskuulka uu san bixineynin kaarka baska lagu raaco.

Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga aasaasiga ee ku qoran luqadaada. Pdf, 513.4 kB, opens in new window.