Khariidadda: Xarumaha caafimaadka

Degmada Söderhamn waxaa ay leedahay rugo caafimaad oo badan. Guji khariidada si aad u aragto dhammaan.

Farmashiye

Dawada waxad ka iibsanaysaa farmasiga. Dawooyinka qaarkood waxa loo baahanyahay warqad dhakhtarkaagu soo qoray. Dadka ka shaqeeya farmasiga wax badan ayey ka yaqaaniin cudurada kala duwan iyo dawooyinka. Waxa ay ka jawaabi karaan qaar badan oo su´aalahaaga ka mid ah. Farmasiiga waxa sidoo kale ka jira warbixin iyo qoraallo ku saabsan cudurada kala duwan.