Daryeelka waayeelada

Marka adiga ama qaraabadaadu noqdaan kuwo gaboobay waxaad u baahan kartaa caawimaad guriga ama aad u guurto hoy gaar ah oo dadka waayeelka ah.

Waxaa jira heerar kala duwan oo agargaar ah iyo degaanno kala duwan iyadoo ku xiran baahidaada.

Xeer ilaaliyaha degmada ayaa baaraya baahidaada adiga ama qaraabadaada dhow.

Farmashiye

Dawada waxad ka iibsanaysaa farmasiga. Dawooyinka qaarkood waxa loo baahanyahay warqad dhakhtarkaagu soo qoray. Dadka ka shaqeeya farmasiga wax badan ayey ka yaqaaniin cudurada kala duwan iyo dawooyinka. Waxa ay ka jawaabi karaan qaar badan oo su´aalahaaga ka mid ah. Farmasiiga waxa sidoo kale ka jira warbixin iyo qoraallo ku saabsan cudurada kala duwan.