Xarumaha caafimaadka

Mar walba way ku dhowdahay rugta caafimaadka ee aad ka dooneysid daryeel marka aad jiran tahay.

Waxaad dooran kartaa rugta caafimaadka ee aad rabto inaad raadiso. Waxay noqon kartaa xarun caafimaad oo u dhow gurigaada ama shaqadaada.

Dhammaan dadka da'doodu ka weyn tahay 15 jir waxay si xor ah u dooran karaan xarun caafimaad. Carruurta da'doodu ka yar tahay 15jir, masuulka ayaa u dooranaya.

Si aad u doorato xarun caafimaad, waa inaad buuxiso foomka sida aad u awoodid. Halkan ka raadi: External link, opens in new window.

Khariidadda: Xarumaha caafimaadka. 

Farmashiye

Dawada waxad ka iibsanaysaa farmasiga. Dawooyinka qaarkood waxa loo baahanyahay warqad dhakhtarkaagu soo qoray. Dadka ka shaqeeya farmasiga wax badan ayey ka yaqaaniin cudurada kala duwan iyo dawooyinka. Waxa ay ka jawaabi karaan qaar badan oo su´aalahaaga ka mid ah. Farmasiiga waxa sidoo kale ka jira warbixin iyo qoraallo ku saabsan cudurada kala duwan.